U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Wadajir “Waan ku raad joognaa dadkii ka dambeeyay dilka Yuusuf Maxamed Hilaal” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobalka Banaadir Axmed Cabdulle Afrax oo maanta saxaafadda la hadlay ayaa faah faahin dheeraad ah waxa uu ka bixiyay qaabkii saaka degmadaasi loogu dilay gudoomiye ku xigeenkii arimaha bulshada degmada Howlwadaag Yuusuf Maxamed Hilaal.

Waxa uu sheegay in dilka dadkii ka dambeeyay lagu raadjoogo ka dib markii ay ka baxsadeen goobtii falka uu ka dhacay, ka maamul ahaanna ay aad uga xunyihiin wixii dhacay.

Gudoomiyaha mar wax laga weydiiyay halka ay jireen ciidamada maamulka markii uu falkaasi dhacaayay ayuu sheegay in ay ku maqnaayeen dhacdo ka dhacday xaafadda Buulo Xuubeey, taasna ay keentay in dadkii wax dilay ay ku baxsadaan gaarigii ay wateen.

Ciidamada amniga ayuu sheegay in ay wada shaqeyn buuxda la leeyihiin shacabka ku dhaqan degmada Wadajir, maalmaha soo aadanna ay jawaab cad ka keeni doonaan dadkii falkaasi ka dambeeyay.

Saaka ayaa dabley hubaysan kuna socotay gaari, waxa ay jidka u galeen gaarigii uu saarnaa gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada Howlwadaag, waxaana halkaasi ku dhintay isaga iyo darwalkiisa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News