U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland Oo Kulan La Qaatay Madaxa Kooxaha Jubbaland

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timajilic) ayaa kulan la qaatay madaxda kooxaha Jubaland,wuxuuna u jeedka kulanka ahaa mid uu Guddomiyaha  ku shaacinayo in uu yahay musharax markale u taagan qabashada xilka gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland,Madaama uu so dhamaaday mudadii xilka loo dooortay.

Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha Kooha oo su’aalo ka weydiiyay guddoomiyaha waxyaabaha ku dhaliyay in uu markale isu soo sharaxo Xilka Gudoomiye nimo ayaa sheegay in ay jireyn gaabisyo kala duwan,halka kuwa kale ay ku amaaneen wax qabadka muuqda ee guddoomiyaha uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

“Waxaa igu dhaliyay in aan markale isu soo taago xilkaan waa in aan sii hormariyo kubbadda cagta Jubaland,Waayo markii xilka la ii magacaabayay Garoonkan Waamo muusan aheyn mid ku haboon in kubbadd lagu ciyaaro bur bur iyo baaba’a ayaa ka muuqday, balse hada waa garoon caalami ah oo weliba FIFA u diiwan gashan” ayuu sheegay guddoomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Jubaland mudane Axmed Faarah Taqal (Timajilic).

Waxuu intaa sii raaciyay “Waxaan doonayaa in dhamaan deeganadda ay ka koobantahay Jubbaland aan ka hirgeliyo garoon caalami ah sida midka Waamo oo kale,si dhaliyarada jecel kubbadda cagta ay u gaarto Jubbland ay u helaan Xuquuq Siman oo horomar ah” ayuu u sheegay kooxaha kubbadda cagta guddoomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Jubaland mudane Axmed Faarah Taqal (Timajilic).

Si kastaba Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jubbaland Axmed Faarah Taqal (Timajilic) ayaa ugu dambeyn gudoomiyaasha kooxaha ka codsaday in codkooda markale siiyaan,si loo soo horomariyo shaqooyinka kala duwan ee ka socda xafiiska Xiriirka kubbadda cagta Jubaland,balse lama oga in uu fulidoono codsiga ka yimid guddoomiye Taqal waxaana lagu ogaan doonaan maalinta doorashada Xiriirka kubbadda cagta Jubaland.

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan X.K.Cagta Jubaland

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddoomiyaha-taqal-xafiiska-aan-u-furnay-ciyaartooydii-hore-waa-qeyb-ka-mid-ah-horomarka-isboortiga-jubaland/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle