U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Deegaanka Hosingow Ee Jubada Hoose Oo Is Casilay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

HosiGudoomiyahii deegaanka Hosingow ee gobalka Jubada Hoose Ibraahim Aadan Dhaqane ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaasi ka dib markii uu tilmaamay cadaadis badan uu soo wajahay.

Mas’uulkaan oo u waramay Goobjoog Fm, ayaa sheegay in culeys badan uu kala kulmay maamulka KMG ee Jubba oo uu ka carabaabay wasiirka Arimaha diinta ee maamulkaasi iyo xubno kale.

“Aniga oo ahaa gudoomiyahii deegaanka Hosingow waxaa xubno uu ka mid yahay wasiirka diinta maamulka Jubba ay keeneen nin kale oo ay leeyihiin waa gudoomiyaha degmada, halkaasi buuq baa ka dhashay, xoog buu damcay in uu nagu soo galo, halkaasi dagaal baa ka dhacay, Odayaashii iyo AMISOM ayaa soo dhex galay, waxaana garta loo daayay Odayaasha, aniga anoo eegaya wanaaga dadkeyga waxay Odayaasha keeneen in Labadeena aan meesha baneenno, anigane sidaas ayaan isku casilay, ileyn kama weyni Odayaasheena dhaqanka, ninkii kale ee qaska waday isna 10 maalin ayuu qabsaday” ayuu yiri Gudoomiyahii Hosingoow ee gobalka Jubada Hoose.

Dhanka kale Odayaasha dhaqanka ee Hosingoow waxa ay sameysteen markii uu mas’uulkaan sheegay in uu is casilay gudoomiye cusub iyo ku xigeeno, kaasi oo ay sheegeen in wax ka qaban doono xaaladda deegaanka oo maalmihii ugu dambeysay rabshado ku jirtay.

Waxa aynu intaasi ka dib isku daynay xiriiro in aan la sameyno mas’uuliyiinta maamulka KMG ee Jubba, gaar ahaan xubnaha uu carabaabay gudoomiyahaan is casilay, balse waa ay inoo suurta geli waysay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News