U bood dhigaalka

Xeer Illaaliyaha Guud oo Xabsiga Ka Siidaayay Gudoomiyahii Degmada Buuloburde Iyo Duqii Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Waxaa xabsi ku yaalla degmadabuulo ee gobalka Hiiraan laga sii daayay gudoomiyahii degmadaasi Cabdicasii Deerow iyo Cismaan Geedi Cilmi oo ah duqa magaaladaasi, ka dib Lix Bil oo ay xirnaayeen.

Mas’uuliyiintaan ayaa xilka si KMG ah looga qaaday wareegto kasoo baxday xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka, sidoo kalena lagu eedeeyay in ay musuqeen raashiin loogu tala galay shacabka ku dhibban degmadaasi.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa lagu siidaayay mas’uuliyiintaan, iyadoo sidoo kale wareegtada lagu hor akhriyay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda ee halkaasi ku sugan, waxgaradka iyo saarkiisha ciidamada AMISOM.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka Buuloburde Liibaan Cabdi Burusow oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in Labadaan Mas’uul ee lasii daayay ay dib shaqadooda u bilaabeen.

“Shalay sharciga ayaa xiray, maantana iyaga ayaa sii daayay, waxaan helnay warqadaan oo uu ku saxiixan yahay xeer ilaaliyaha” ayaa yuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Dhinaca kale duqa magaalada Buuloburde Cismaan Geedi Cilmi oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in ay dib u helaan xurriyyadooda, waxaana uu sheegay in mudadii ay xirnaayeen xitaa ay shacabka u shaqeynayeen, meeshoodana ay shaqada kasii wadi doonaan.

Goobjoog News