U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Hore Ee Baarlamaanka Puntland Oo Ka Hadlay Sababta Uu Isku Casilay

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii hore baarlamaanka ee maamulka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa faah faahin rasmi ah ka bixiyay sababta ka ka dambeysa in uu xilkaasi iska casilo.

Waxa uu sheegay in uu culeyso badan kala kulmay madaxda Puntland qaarkood, islamarkaana in qilaab lagu qabsaday howlihii shaqada e baarlamaanka.

Waxa uu tilmaamay gudoomiye Saciid in uusan ogeyn meel isaga mooshin looga keenay, balse ay ahayd mid dano kale laga lahaa.

“Aniga maalmahaanba waxaa socday waan ka warhayay, madaxda qaarkood ayaa ku lug lahaa wax walba oo dhacayay, anigane sharafteeda ayaa ka weyn in aan ku milnaado meel fowdo iyo sumcad xumo ka jirto”

Sidoo kale gudoomiye hore Saciid ayaa sheegay in saaka ciidamo aan la ogeyn halka ay ka socdaan ay xoog ku qabsadeen aqalkii baarlamaanka Puntland, islamarkaana isaguna uu amray si aanu isku dhac u imaan in banaanka ay aqalka uga soo baxaan ciidankii kale ee ilaalada halkaasi ka hayey.

“Ciidamo badan baa xoog ku qabsaday saaka aqalkii goluhu ku shiri lahaa, aniga oo ilaalsanaya sumcadda iyo sharafta aan ku dhex leeyahay bulshda Puntland waxaan amray ciidankii ilaalada oo aan u sheegay inay banaanka usoo baxaan” ayuu yiri Saciid

Baarlamaanka Puntland ayaa soo dhaweeyay islamarkaana aqbalay is casilaadii gudoomiyahoodii Saciid Xasan Shire, iyadoo ay jireen 40 xildhibgaan oo mas’uulkaasi mooshin ka keentay.

Goobjoog News