U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Hore ee Mudug Oo Sheegay In Dad Gaar Ah Ay Hurinayaan Dagaalka Saaxo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii Hore ee gobalka Mudug ee Galmudug Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad gaar ah oo ka shaqeynaya hurinta dagaalo u dhaxeeya beelo wada dega deegaanka Saaxo.

Waxa uu si kulul u eedeeyay gudoomiyaha Mudug ee Puntland in isaga uu sheegay in deegaanka Saaxo uu yahay deegaan Puntland, taasi oo uu kutilmaamay mid aan waxba ka jirin, deegaankaasina uu yahay mid umadda u dhaxeeya.

“Deegaanka Saaxo ma ahan mid Puntland ah waa deegaan Soomaaliyeed, shacabkaan waxay halkaasi wada deganaayeen kahor Labadaan maamul, dadka yaan la’isku dilin waana in aysan hurin colaadda dadka walaalaha ka dhaxeeya, nabadda ayaan rabnaa” ayuu yiri Maxamuud Guure Guuleed

Dhanka kale waxa uu ku baaqay in maamulada Gal-mudug iyo Puntland ay ka qeyb qaataan sidii loo nabadeyn lahaa shacabka Saaxo, meeshana laga saaro wararka Idaacadaha laga daayo ee dagaalada lagu kicinayo.

Dhawaan waxaa beelo wada dega deegaanka Saaxo dhex maray dagaal qasaare sababay, waxaana socday xilligaan qorshe nabadeed oo Labada dhinac la’isugu keenayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News.