U bood dhigaalka

Gudoomiyahii Maxkamadda Sare Ee Galmudug Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Gudoomiyahii Maxkamadda sare ee maamulka Galmudug Sheekh Axmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay, ka dib markii uu saxaafadda kula hadlay magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in shacabka Galmudug aanay kaga tashan xilkaasi, islamarkaana ay ogaadaan in uusan ahayn gudoomiye.

“Aniga oo ah Axmed Sheekh Yuusuf, kuna magacwnaa maxkamaddii Galmudug madaxtinimadeeda, waxaan shacabka u sheegayaa in xilkaasi aan dhigay, maadaama ay dowlad cusub dhalatay, in aan kursigii hore baneeyo ayaan go’aansaday oo dowladda qof cusub keensato oo aan la dhihin nin baa meesha jooga” ayuu yiri Sheekh Axmed.

Illaa iyo haatan ma aanu cara baabin mas’uulkaan sababta uu xilkaasi isaga casilay, balse maamulka cusub ee Galmudug ayaa laga doonayaa buuxinta xilka mas’uulkaan uu baneeyay.

Goobjoog News