U bood dhigaalka

Gudoomiye Aweys Cali Saciid “Qurxinta iyo bilic kusoo celinta Gaalkacyo waa mid socdon doona (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka   Mudug ee Gal-Mudug ayaa sheegay in ay sii socon doonaan mashaariicda xaga hormarinta ee ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Mudug ee Maamulkaasi Aways Cali Saciid ayaa sheegay in Magalada laga dareemayo isbedel xaga hormarka tan iyo markii Mashaariicda ay ka bilowdeyn Magaaladaasi.

Dhisida Xaruumaha uu ku shaqaynayo Maamulka Gal-Mudug ayuu sheegay Aways in inta badan ay ku guulaysteen dhamaystirkooda.

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa isbedalo dhanka bilicda iyo sidoo kale dhisme dhanka daaraha iyo wadooyinka ah.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Gudoomiyaha.

Goobjoog News