U bood dhigaalka

Gudoomiye Caydiid Ilka Xanaf “Jabinta Dastuurka Waa Xabsi Daa’in Ama Dil” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

IlkaGudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Caydiid Ilka Xanaf ayaa maanta ka hadlay arimo badan oo ku aadan xuriyadda muwaadinka iyo sidoo kale xuquuqda uu shaqsiga u leeyahay in maxkamad la’aan lagu hayo xabsi.

Gudoomiyaha oo maanta hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, laguna xusayay maalinta Xuquuqda Aadanaha ayuu sheegay in aysan jiri karin muwaadin si aan sharci ahayn xabsi ama saldhig loogu hayo.

Ugu horeyn ayuu sheegay in qalad weyn ay tahay, walibana Dastuurka oo la jabiyay ay tahay in gacanta lagu hayo qof dambi loo haysto muddo ka baxsan inta Dastuurka uu ogol yahay.

Hay’adaha Booliiska iyo Nabad sugidda ayuu sheegay in ay qofka hayn karaan muddo 48 saacadood ah, wixii intaas ka dheerna ay dambi noqon karto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhanka garsoorka iyaguna waqtiga ugu dheer ee ay muwaadinka dambigiisa ku baari karaan ay tahay 90 cisho hadii laga gudbana ay tahay Dastuurka oo la jabiyay.

Hudoomiye Ilka Xanaf sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dhamaan waxyaabaha uu ka hadlay hadii loo waafaqo si aan ahayn Dastuurka sida ku cad ay tahay Dambi weyn laguna muteysan karo dil ama xabsi daa’in waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay soo sheegaan hadii ay jiraan dad ay ogyihiin islamarkaana xiran muddo ka badan 90 cisho, iyaga oo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

Halkaan Hoose ka dhageyso hadalka Gudoomiyaha.

Goobjoog News