U bood dhigaalka

Gudoomiye Cirfo “Waxbarashada Gobalka Galgaduud Wax Badan Ayaan Ka Qabanay”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay in isbedal xoogan oo dhanka waxbarashada ah uu ka socdo degmooyinka iyo deegaanada gobalka Galgaduud.

Gudoomiyaha oo marti ku ahaa barnaamijka weydii gudoomiye ee Goobjoog News ayaa faah faahin badan ka bixiyay qaabka waxbarashada gobalka Galgaduud, kaalinta dowladda ay ku leedahay iyo sidoo kale arimo kale oo waxbarashada ku aadan.

Dowladda ayuu sheegay in ay Imtixaan ka qaaday 130 macalin oo gobalka ka howlgali doona, kaasi oo qeyb ka ah barnaamijka aada dugsiyada, lana sugayo in lasoo fasaxo si ay u shaqo bilaabeen.

Ka gudoomiye ahaan ayuu sheegay in xooga uu saray arrinta waxbarashada, ayna soo magacaabeen gudoon waxbarasho, kaasi oo ku howlanaa mudooyinkii ugu dambeeyay in waxbarashada gobalka uu kala shaqeeyo wasaaradda waxbarashada.

Gudoomiye Cirfo ayaa ugu dambeyn sheegay in degmo iyo deegaan walba oo ka mid ah gobalka Galgaduud la gaarsiiyay waxbarashada, gaar ahaan goobaha dowladdu gacanta ay ku hayso.

Goobjoog News