U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari “Mudane Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Hadii Codka Aad Hesho Shaqo Ayaa Kuu Taala, Hadii Aadan Helin Allaa Madaxaaga Kuu Bixiyaye Hambalyo”

Sheeko:Dalka

jawaariGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo haatan hadal dheer ka jeediyay furitaanka kulanka xildhibaanada baarlamaanka oo maanta codka kalsoonida ah loogu qaadi doono Ra’iisul wasaaraha Magacaaban Cumar Cabdirashiid ayaa ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah.

Jawaari ayaa ugu horeen ka hadlay arimaha ku aadan khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli, isaga oo sheegay in arimo badan laga soo gudbay.

Waxa uu u hambalyeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uu sheegay in shaqooyin badan la’iska sugaayo.

Jawaari ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid iyo Xildhibaanada uu isaga dhex bixi doono daqiiqadaha soo aadan, islamarkaana Laba mid ay dhici doonto, taasi oo kala ah in codka la siiyo ama uu waayo.

“Mudane Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Hadii Codka Aad Hesho Shaqo Ayaa Kuu Taalla, Hadii Aadan Helin Codka Kalsoonida ah Allaa Madaxaaga Kuu Bixiyaye Hambalyo”

Waxa uu ugu dambeyn gudoomiye Jawaari uu ku dar daarmay in mar kale aanu imaan khilaaf, waliba dhanka fulinta ah, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay sugayaan in shaqooyinka loo igmaday dowladda ay kasoo baxdo.

Goobjoog News