U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari “Muwaadiniinta Soomaaliyeed Meel Walba Oo Ay Joogaan Waxaan Leeyahay Ciid Wanaagsan”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu hambalyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, munaasabadda maalintaan ciidd ah.

“Ciid  mubaarak mubaarak, Ciid mubaarak, Ciid mubaarak, kulli caamu wa antum bil kheyr, Ciidaan iyo cideeda Allow samo nagu gaarsii, Mahad Alle ayaa leh, hana aqbalo soo jeedka habeenkii, soonka iyo salaadda, Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa in ciddaan tiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare, Isla markaana ay dhexdooda isu gurmudaan oo ay is caawiyaan” ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka

Sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliya in ay ka farxiyaan maalintaan awgeed dadka aan waxba haysan, islamarkaana aan awoodin in ay ciidaan.

Maanta oo ay ku beegan tahay Jimco waxaa loo dabaal degayaa maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga, iyadoo dalka oo dhan damaashaadka laga dareemayo.

Goobjoog News