U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ka dib safar uu ku tagay Jabuuti

Sheeko:Dalka

Jawaari-2Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib safar uu maalintii Jimcaha ahayd ku aaday magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Gudoomiya iyo wafdigii la socday ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana safarkaan uu qaatay Laba maalin.

Soo dhaweynta gudoomiyaha waxaa ka qeyb qaatay gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, Xildhibaano iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada.

Gudoomiye Jawaari ayaa intii uu ku maqnaa dalka Jabuuti kulamo kula soo qaatay madaxda dalkaasi, oo uu ugu horeeyo dhigiisa dalka Jabuuti, waxaana sidoo kale uu ka qeyb galay munaasabad lagu furayay dhismo cusub oo uu ku shaqeyn doono baarlamaanka Jabuuti.

Goobjoog News