Gudoomiye Jawaari Oo Gaaray Magaalada Baydhabo Ee Gobalka Baay

Gudoomiyaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw waxay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Wafdigan ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaana ulajeedka ay u tageen halkaasi tahay ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale magaalada Baydhaba waxaa gaaray wafdi ka kala socda maamul gobaleedyada Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasi oo iyaguna ka qeybgali doona munaasabaddaasi.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhaba ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW