U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Ka Qeybgalaya Shirka Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Dalalka Iskaashiga Islaam Ee Ka Furmaya Baqdaad

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey jimcadii shalay ahayd.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baghdad Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Ciraaq Dr Salim Abdullah al-Jabouri ,Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Ciraaq iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi .

Magaalada Baghdad horey waxaa ugu sugnaa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaanka dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayadoo sidoo kalena ay hada socdaan shirarkii guddiyada kuwaasi oo lagu diyaarin doono ajandayaasha shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa khudbad ka jeedin doona shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka PUIC oo rasmi u bilaaban doona 24ka bishan January 2016 insha Allah.

—-DHAMMAAD—-