U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wafdiga gudoomiyaha oo ka ambaxa baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno gaaraya 25 mudane.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee ka arrimiya degmada Dhuusamareeb ayaa gudoomiyaha soo dhaweeyay, iyagoo kulamo la yeelanayo madaxda Ahlu-sunna.

Illaa iyo haatan oga ulajeedka rasmiga ah ee gudoomiye Jawaari u tagay degmada Dhuusamareeb, safarkanna ma ahayn mid horay loo sii shaaciyay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News