U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Maanta Ku Wajahan Magaalada Cadaado

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta la filayaa in ay gaaraan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud.

Wararka ay helayso Goobjoog News ayaa ku waramaya in gudoomiye Jawaari uu halkaasi u tagayo si uu uga qeybgalo munaasabadda dhaarinta xildhibaanada baarlamaanka Galmudug oo dhawaan lasoo xulay.

Ammaanka magaalada Cadaado ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana dhanka kale socota qaban qaabada munaasabadda lagu dhaarinayo xildhibaanada Galmudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News