Gudoomiye Jawaari oo maanta u amba baxay dalka Jabuuti

JawaariGudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, isaga oo ku wajahan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha ayaa inta aanu bixin kahor waxa uu saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in halkaasi casumaad looga fidiyay.

Jawaari ayaa Dhanka kale sheegay in maalinta Isniinta ah ee soo socota xildhibaanada baarlamaanka yeelan doonaan kulankoodii caadiga ahaa.

Gudoomiye Jawaari inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti, waxa uu kulamo lasoo qaadan doonaa madaxda dalkaasi, oo ay kasoo wada hadli doonaan arimo aad u badan.

Warkaan oo faah faahsan la soco goor dhaw.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW