U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Sheegay In Ahlu-sunna Ay Ka Aqbashay Ka Qeybgalka Wada Hadallada Nabadda

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo 7-dii bishaan safar ku tagay degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ahlu-sunna Waljameeca ay ka aqbaleen inay ka qeybqaataan wada hadallada nabadda, midnimada iyo horumarada ee la hiigsanayo.

Waxa uu gudoomiyaha uga mahadceliyay Ahlu-sunna Waljameeca sida ay u aqbashay codsi uu u jeediyay oo ah in ay aqbalaan wada hadallo lala galo si loo dhameeyo wax walba oo ay ka tabanayaan dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

“Waxaan mahad gaar ah idiin kaga celinayaa codsigii aad naga yeesheen ee ahaa in shuruud la’aan wada hadal, heshiis, nabadeyn iyo midnimada Soomaaliyeed ee la hiigsanayo aad ka qeybgashaan waana ku faraxsannahay, waxaan Allah ka rajeynayaa in arrimahaan guul naga gaarsiiyo sida aad noo talo saarateen ayaan Allah u tala saaranay, waxaad nagu ogtihiin in aan dadaalka galno iyo in laga shaqeeyo sidii shacabkaan iyaga oo isku calool fiyow isugu imaan lahaayee” ayuu yiri gudoomiye Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Ahlu-sunna Waljameeca iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaasi.

Maaulka Galmudug State ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ulajeedka uu u tagay degmada Dhuusamareeb inay tahay carqaladeynta wada hadallo ay sheegeen inay kula jireen Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News