U bood dhigaalka

Gudoomiye Jawaari Oo Sheegay In Si Degdeg Ah Loo Guda Gelayo Wada Hadalka Mooshinka Ka Dhanka Ah Madaxweynaha

Sheeko:Baarlamaanka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda geli doono wada hadalka mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo xildhibaanno badan ay ku kala aragti duwanaadeen.

Gudoomiye Jawaari oo maanta shir gudoominayay Kala Fadhiga Lixaad ee baarlamaanka, kulankiisa 40-aad ayaa hadalkaan sheegay, waxaana uu tilmaamay in Labada dhinac looga baahan yahay suurta gelinta wada hadal laga galo arrintaasi.

Waxa uu gudoomiye Jawaari ka codsaday Xildhibaanada ku kala aragtida duwan mooshinka garab ka mid ah in ay soo dhameystiraan qoraalka ay ku muujinayaan ay habka ay wada hadalka u galayaan, maalinta berri ah ugu dambeyntii.

Dhinaca kale guddoonka baarlamanaka ayaa maanta waxa uu ansixiyay qaraarka lagu dhisaayo golaha wada tashiga Qaranka ee Jiheynta Nidaam Siyaasadeedka iyo qaabka loogu gudbayo August  2016-ka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale waxa uu kala diray guddi hoosaadkii 25-ka xubnood ka koobnaa ee ka shaqeynayay habka loogu gudbi karo 2016-ka, oo horay uga soo shaqeeyay isla marxaladdaan.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan go’aamiyay in la xiro kala fadhiga lixaad 16-ka bishaan oo maanta ku beegnayd, hase ahaatee taasi waxa ay ay noqotay mid guddoonka uu sheegay in aan la’isku raacsaneyn.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in howsha ay sii wadi doonaan guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, Kala Fadhiga Lixaadna la xiri doono marka laga soo noqdo Xajka, uuna soo idlaado wada hadalka mooshinka ka dhanka ah ee Baarlamaanka.

Goobjoog News