U bood dhigaalka

Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Baarlamaanka Oo Gaaray Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaa maanta gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad.

Xubno uu ka mid yahay gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay mas’uulkani.

Mr Cawad ayaa loo galbiyay hoyga uu magaalada Gaalkacyo ka deggan yahay madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, halkaasi oo kullamo ay ku wada qaadan doonaan.

Saciid Xasan Shire oo ah gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin, in magaalada Gaalkacyo ay kusoo dhaweeyaan gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena

Goobjoog News