U bood dhigaalka

Gudoomiye Mursal oo Gaaray Garowe iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa  goordhaw magaalada Garowe, ee xarunta  Maamulka Puntland  ayaa waxaa goor dhaw gaaray wafti heer sare oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxman .

 

Wafdiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa qeeyb ka ah xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya, waxaana  garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhaweeyay Madaxweeynaha maamulka Puntland Saacid Cabdullahi Deni iyo mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

 

Shir sanadeedkaan oo uu soo qaban qaabiyay machadka Heritage ayaa waxaa sanadkaan looga hadlaya qodobo ay ka mid yihiin ,   Xasilnta amniga , qabashada Doorasho qof iyo cod sanadka 2025,  Dhameystirka dastuurka KMG ah iyo  Yagyeelidda nidaam federaal oo shaqeynaya”.

 

Saacadaha soo socdo ayaa sidoo kale la filaya in ay gaaran magaalada garowe xubnaha midawga musharixiinta madaxweynaha, halkaas oo ay kaga qeeyb galayaan dood cilmiyeed sanadla ah .