U bood dhigaalka

Gudoomiye Mursal Oo Loogu Baaqay In Uu Talada Dalka Kala Wareego Farmaajo

Sheeko:Amniga

Kudladda Musharaxiinta madaxweynaha ee dhax-dhaxaadka ah, ayaa ugu baaqay in xaaladda dalka la bad baadiyo .
Musharixiintaan sheegto in ay yihiin dhex dhexaad ayaa sheegay in madaxweeynaha waqtiga ka dhacay uu ku fashilmay dalka in uu doorasho geliyo , waxa ayna ugu baaqeen in caawa Lixda saac kadib talada dalka Uula wareego Gudoomiyaha Baarlamaanka waqtigoodu dhacay Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman .

Kudladdan oo shir ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweeynaha ay ugu baaqayaan in uu Is casilo.

Musharixiinta ayaa sheegay sidoo kale in sharciyadda madaxweeynaha ay dhamaatay caawa laga bilaabana dalka uusan madaxweeyne laheeyn.
Maaxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waqtiga xil heeynta ee dastuuriga ah waxa uu ugu egyahay Maanta oo Axad ah .

Hoos Ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Kudladda Musharixiinta Dhex Dhexaadka ah 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/792661364934079/