U bood dhigaalka

Gudoomiye Muungaan “Cid Guri Yeelan Karto Ma Jiri Karto Hadii Aanay Canshuurta Bixineynin”

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo habeenkii xalay ahaa ka qeybgalay munaasabad ka dhacday degmada Boondheere ayaa sheegay in bixinta canshuurta guryaha ay waajib ku tahay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in canshuurta sanadkaan lagu dhisi doono wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho, shacabkana looga baahan yahay in taasi ay u hogaansamaan.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan jiri doonin cid Muqdisho guri ku leh, hadana aan canshuur bixin.

“Canshuuraha waa in la bixiyo si loo hormariyo dhismaha wadooyinka magaalada Muqdisho, canshuurta sanadkaan waxaa lagu dhisi doonaa wadada Wadnaha ee magaalada Muqdisho, waa naftaada ka qaad oo naftaada u qaad, inaan isku tashanno wax qabsanno magaalada oo xur ah, nabad ah, shacabka 3 malyan gaaraya ku nool yahay waa inaan ka gudubnaa gacan hoorsiga, dalkeena dhisannaa, waana ku kalsoonnahay inaan taasi sameyn doonno” ayuu yiri Muungaab

“Waxaan ku baaqayaa oo adkeynayaa in canshuuurta la bixiyo, cidii bixisay waajibkeeda ayeey gudatay, laakiin ciddii bixin weyso tallaabo sharciga waafaqsan in laga qaado waa lagama maarmaan, cid boos ama guri yeelan karto ma jiri karto hadii aanay canshuurta bixineynin, Booliiska waxaan ka rabnaa inuu gacan siiyo maamulka dowladda hoose ee Xamar qeybtooda canshuuraha iyo maamulada degmooyinka”

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka go’aan yahay inay taageeraan dhallinyarada Soomaaliyeed maadaama ay xoogii iyo caqligii dalka yihiin.

“Dhallinyartu waxay u baahan yihiin in danahooda u shaqeystaan, Iskuulka aadaan mararka qaarna ay ciyaaraan, wey naga go’an tahay inaan dhiiri gelinno fanka iyo ciyaaraha” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay gudoomiye Muungaab.

Goobjoog News