U bood dhigaalka

Gudoomiye Xasan “Waan Dhiirigelinayaa Qabsoomida Tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banadir”

Sheeko:Cayaaraha

Guddoomiye Ku Xigeen Somaali Mini Football Xasan Cabdi Goodax ayaa bogaadiyay qabsoomida tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020,isagoo guul iyo horomar u rajeeyay dhamaan ciyaaartooyda xirfada wanaagsan ku soo bandhigay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Waxaan bogaadinaynaa ciyaartooyda ka qeyb gashay tartanka Maamul Gobolledyada da’daalka wanaagsan ay soo bandhigeyn,waxaana u rajaynaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sports Xasan Goodax.

Dhinaca kale Guddoomiye Xasan wuxuu u mahad celiyay dhamaan warbaahinta ka hadasha ciyaaraha kaalinta ay ka qaateen horomarka iyo dhiiri-gelinta qabsoomida tartanka Maamul Goboleedyada 2020.

“Waxaan u mahad celinaynaa warbaahinta ka howl gasha Muqdisho,waxa ay kaalin wanaagsan ka qaataan dhiiri-ginta iyo kor u qaadida tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” ayuu hadalkiisa raaciyay Guddoomiye Xasan Cabdi Goodax.

Sidoo kale Guddoomiye Xasan wuxuu amaanay sida shacabka Soomaaliyeed ay soo buuxiyaan garoonka Eng.Yariisow,wuxuuna arintaas ku tilmaamay caalamadda nabadda iyo horomarka ee Soomaaliya.

“Waan ka xumaya sanadkan nasiib uma yeelan in aan joogo dalkii hooyo,balse waxaan quruxda Magaalada Muqdisho kala socdaa Warbaahinta,waxaana u mahad celinayaa cid kasta oo kaalin ka geystay hergelinta tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Bnaadir” ayuu hadalkiisa ku soo xerayGuddoomiye Ku Xigeen Somaali Mini Football Xasan Cabdi Goodax

Daawo Xasan Goodax Oo Ka Hadlaya Tartanka Maamul Goboleedyada

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle