U bood dhigaalka

Gudoomiyihii Ciyaaraha ee Degmada Boondheere oo Muqdisho lagu dilay

Sheeko:War

Dabley ku hubeesnaa bastoolado ayaa Maanta degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ku dishay Gudoomiyihii Ciyaaraha ee Degmadaasi Jaamac Maxamed Muudeey (Jaamac Habarwaa).

 

Goob jooge kusuganaa halku uu dilku ka dhacay ayaa saxaafadda u sheegay in marxuumka lagu dilay goob ganacsi oo uu ku lahaa nawaaxiga xarunta maamulka degmada Boodheere.

 

Raggii falka geystay ayaa durbabiiba goobta ka baxsaday.

 

Qaasim Xasan Cabdullaahi, Guddoomiyaha degmada Boondheere ayaa sheegay ineey wadaan baaritaan lagu soo qabanaayo gacan ku dhiigleyaasha diley Alle ha u naxariistee, marxuum Habar-waa.

 

Dilalka qorsheysan ayaa batay tan iyo bilowgii bisha Ramadan, waxaana siyaabo kala duwan Muqdisho loogu dilay dad badan oo isugu jiro Masuuliyiin ,Ciidamo iyo waliba dad Shacab ah.