U bood dhigaalka

Guri Ku Dumay Qoys oo Geystay Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac leh

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Berbera ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegayaa in khasaare isugu jira mid dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka dhashay guri ku dumay Qoys deganaa mid kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa geeriyooday laba kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kale duwan, kuwaas oo kala ah gabar iyo inan yar,  oo la dhigay isbitaalka guud ee magaalada si loogu baxnaaniyo xaaladdooda caafimaad.

“Reer jiifa ayuu gurigu ku dumay, waxa laga soo saaray 3 qof, islaan mayd ah, inan yar oo sirirsan iyo gabadh dhaawac aad u culus qabta” ayuu u sheegay  Saab TV Mid kamid ah goobjooyasha ku sugnaa guriga dumay.

Guriga ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid qadiimi ah, waxaana Qoyska degan ay ka walaacsanaayeen in ay dhibaato kasoo gaari karto, iyaga oo hore u sheegay in ay guriga ku noolaanshiyiisa ay walwal ku dareemayaan.

“Saddex billood ka hor ayay hablahaasi kasii calaacalayeen guriga hadana saaka qadarka Ilahay ayaa dhacay” ayuu sidoo kale sheegay qof kale oo la hadlay Telefishinka SAAB Tv oo ka howlgala deegaannada Somaliland.

Ciidamada Dabdamiska oo gaaray goobta ayaa u gurmaday dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, waxaana sidoo kale jirtay in guriga laga soo badbaadiyay inan yar oo la sheegay in ay neef qabatoontay, sida ay sheegayaan wararka.

Guriyaha inta badan qadiimiga ah ayaa marka ay gaboobaan waxaa ay sameeyaan dumitaan, taas oo keenta in ay waxyeello kasoo gaarto dadka ku noolaa halkaa, oo markii hore aan helin dhaqaale ay ku dayactirtaan gurigooda.

Goobjoog News