U bood dhigaalka

Guri Ku Yaalla Degmada X/weyne Oo Kusoo Dumay Dadkii Deganaa (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah guryaha ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan Waaxda Horseed, Laanta Labaad ayaa lagu soo waramayaa in gelinkii hore ee maanta uu soo dumay halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhaawac ah.

Laba qof oo ka mid ah dadkii deganaa guriga dumay ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray sida uu inoo sheegay gudoomiyaha Degmadaasi C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Guriga dumay ayaa dhismahiisu waxa uu ahaa mid dhisan ku dhawaad 100 sano, waxaana degmadaasi u badan guryaha dhismahooda uu fogyahay, misane aan weli la dayactirin.

Goobjoog News ayaa 7-dii bishaan waxa ay warbixin ka diyaarisay halista ay ku jiraan dadka deggan guryaha ku yaalla degmada X/weyne, gaar ahaan kuwa dhisan mudada fog (Riix halkaan)

Weli waxaa jirta cabsida ah in guryo kale ay dumaan, sababtuna waxay tahay iyadoo lagu jiro xilli roobaad iyo sidoo kale in weli guryaha aysan helin dayactir ku filan.

0005 0004 0003 0002 0001

Goobjoog News