U bood dhigaalka

Guriceel:- Ayaanle kadib, Habar-eji Oo Suufiyada Ahlusunna Ka Dalbatay Inay Dhufaysyada Qaadaan

Sheeko:Amniga

Odayaasha beesha Habar-eji oo goordhoweyd guriceel warbaahinta kula hadlaya ayaa Sheikh Shaakir ka dalbaday inuu isaga baxo Guriceel, oo aan lagu dul dagaalamin magaalada.

Waxa ay sidoo kale carabka ku dhufteen odayaasha Habar-aji in ay u tageen Sheekh Shaakir uuna si cad ugu sheegay in uu dhufeys ka dul-galayo dadka dhacabka ah uuna ka diiday in uu Ciidamada ka dulqaado xaafadaha dadwaynaha magaalada ka barakacay dhowrkan maalmood.

Odayaasha ayaa dhinaca kale Madaxweyne QoorQoor u cadeeyay in uu isagu Mas’uul ka yahay amaanka shacabka, loona baahanyahay in laqaato dhabaha wada hadalka, iyado laga fogaanayo gacan ka hadal.

 

GOOBJOOG NEWS.