U bood dhigaalka

Guriceel:- Ciidamada Xooga Dalka Iyo Kuwa Galmudug Oo wada Guluf ka dhan ah Shiikh Shaakir

Sheeko:Amniga

Xiisad colaadeed oo heerkoodu saarreeyo ayaa maanta ka jirta magaalada guriceel ee Goblka galgaduud, ka gadaal markii Ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya ay kusoo dhowadeen magaalada.

Warar ay Heshay GOOBJOOG NEWS waxa ay sheegayaan in barakac xoogan uu ka socdo Magaalada, oo intii dad ku hartay Guriceel ay naftooda kala baxsadeen, dadka shacabka ah ayaana maalmihii lasoo dhaafay horay uga qaxay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dawladda waxa uu GOOBJOOG NEWS uxaqiijiyay Gulufkan isaga oo tilmaamay in ay wadaan diyaar garowgii ugu dambeeyay, oo ay Guriceel dib ugula wareegayaan.

Ilo kale oo ku sugan gudaha Guriceel waxa ay inoo sheegeen in dhankooda Ciidamada Shiikh Shaakir ay daafaha magaala ka sameysteen dhufayso iyo fariismo hor leh, si ay isaga cabiyaan ciidamada kusoo wajahan.

 

GOOBJOOG NEWS.