U bood dhigaalka

Guriceel: Dadka Deegaanka oo Gorgor ka sheegtay Dhac iyo Cabsi Gelin

Sheeko:Amniga

Dadka deegaanka eek u sugan Gurceel ee gobolka Galgaduud ayaa ka sheegtay ciidamada Gorgor, iyaga oo ka cabanaya dhac maalin iyo habeen ah iyo cabsi gelin joogta ah.

Dadkan oo la hadlay Goobjoog News ayaa intaa ku daray in marar qaar ay dhacdo isku dhac ciidan iyo dadka magaalada oo caweyn jiray ilaa xili dambe ay hadda xaroodaan 9:00 fiidnimo.

N.X “Ciidanka Gorgor ee ku sugan magaalada Gurceel dhibaatada ay ku hayan daka shacabka ah waxaa ka mid ah, in hablaha Qaadka ku iibiya magaalada ay xoog uga qaataan iyaga oo leh waan idiin ka iibsanaynaa, waxaa ay sidoo kale dhac u geystaan dhallinyarada magaalada ku daaha habeenkii iyaga oo Taleefanada gacanta ka qaata” ayuu yiri isaga oo Goobjoog News la hadlay.

Q. M. oo sidoo kale la hadlay Goobjoog News ayaa yiri “ Arrinkaan waxaa uu soo bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo Ahlusunna ay ku dagaalameen magaalada, markaas oo ciidamada dowladdu ay ku itaall roonaadeen, hadalheynta uga badan oo shacabka ayaa ah in ciidamada in deegaanka laga raro ama meel kale la geeyo ay jeclaan lahaayeen” ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlaayo ayaa sheegay in ay jiraan isbaarooyin ay ciidanku dhigtaan waxaana uu yiri  “ Isbaarooyinku waa ay jiraan oo ciidamada qeybihiisa kala gadisan oo deegaannada Gurceel ku hareereysan ay dhiganayaan oo dadka safarka ah lagu dhibaateynayo, ciidankii gadooda ama Mushaarka laga jarto iyo kuwa sida kle u careysan ayaa dhigta”

C.Q.M waxaa uu meesha ka saaray in ay jiraan Kufsi ay geystaan ciidanka ku sugan deegaanka waxaana uu yiri isaga oo arrintaas ka hadlayo ”Ma maqal kufsi ay ciidamadu geysteen, laakiin dhaca maalinta cad ayaa jira, iyaga oo mararka qaar u adeegsada xabado ay ku ridaan dadka, ilaa hadda ma maqal qof ay dileen, dadkuna waxaa ay in badan ka sheegtaan ciidanka Gorgor oo muddaan joogay deegaan”.

Dhanka kale waxaa uu sheegay goorta ay soo bilaabatay arrintaan iyo dhibaataynta ciidanku ku hayaan shaabka Guriceel”  “ Arrinkaan waxaa uu soo bilowday kadib markii ciidamada dowladda iyo Ahlusunna ay ku dagaalameen magaalada, markaas oo ciidamada dowladdu ay ku itaall roonaadeen, hadalheynta uga badan oo shacabka ayaa ah in ciidamada in deegaanka laga raro ama meel kale la geeyo ay jeclaan lahaayeen” ayuu yiri.

Dhinaca kale C.S oo isna la hadlay Goobjoog News ayaa marka laga soo tago dhaca Qaadka iyo Taleefanada in ay jiraan guryo la sheegay in ciidamadu dhaceen iyo goobo ganacsi “ Marka laga soo tago dhaca Taleefanada iyo Qaadka dumarka laga dhaco, waxaa jira Dukaamo la jabsaday, guryo loo dhacay iyo kuwa alaabta lagala baxay, dhibaatooyinkaas ayey ciidamadu ku hayaan deegaanka”

S oo sii hadlaayo ayaa xusay in xigaan Gurceel dadku ay xaroodaan habeenkii xili hore cabsi ay muujinayaan darteed “ Waxaan arkay magaaladii lagu caweyn jiray in dadku ay fiid hore isaga hoyaadayaan 9:00 ama 10:00 habeenimo waa ay xiran yihiin, dadkuna habeenkii ma socdaan ilaa qofka inuu gaari raaco maahane”.

S waxaa uu dhammaan sabab uga dhigay arrintaan maqnaashiyaha taliyaha Booliiska deegaanka oo muddooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho

“Taliyaha ciidanka Booliiska Gurceel waxaa uu muujiyey dadaal fara badan, isagoo Taliyeyaasha Gorgor iyo kuwa kale isugu geeyey xafiiska, heshiisna ay ku galeen inaan magaalada xabad laga ridi karin dadna aan lag dhibaateyn karin deegaanka. Taliyaha waxaana soo wajahay xaalad caafimaad, intii maalmahaan uu ku maqnaa xaaladda caafimaad ayaa waxaa ka faaiidaystay ciidamadii joogay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Goobjoog News