U bood dhigaalka

Guriceel: Shacabka oo Barakacay iyo Shuban Biyood Dilaacay

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Guriceel oo Galgaduud ka dhacay Barakac ballaaran, kadib markii ay la wareegeen kooxda Suufiyada ah ee Ahlu sunna.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ay u qaxeen duleedka magaalada, halkaas oo ay ku heyso dhibaatooyin ay ka mid yihiin cunno yari.

Odeyaal u hadlay deegaanka oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadka barakacay, gaar ahaan caruurta uu ku dhacay Shuban biyood.

“Nimanka culimada ee yimid Guriceen, ee dhufeyska ilmaha ka dhex qodanaya, waxaan leenahay naga kor qaada, colka naga dulqaada, haddii aas Islaam tihiin, diinta aad sheeganeysaan ku dhaqantaan, Guriceel dowla ma joogto, ilmaheenna iyo naagaha naga dhex jooga ayaad dhufeys ka dul qodaneysaan, duurka ayey ku qaxeen, shuban biyood ayaa ku dhacay” waxaa yiri mid ka mid ah  odeyaasha Guriceel.

Arrimahan banii’aadamnimada ee ka jira Guriceel iyo deegaannada ku dhow ayaa imaanaya iyada oo aanu jirin wada hadal u dhaxeeya maamulka Galmudug iyo Ahlu sunna, lagana cabsi qabo dagaal qarxa.