U bood dhigaalka

Gurmad Dawo Ah Oo La Gaarsiiyay Bukaanno Ku Sugan Degmada Baardheere

Sheeko:Caafimaadka

Hay’adda International Organization Migration (IOM) oo kaashanaysa Ururada Samafalka wadaniga ee ka howlgala degmada Baardheere ayaa Maalmahii ugu dambeeyey gudaha degmadaasi waxay ka waday kulamo lagu qiimaynayay xaaladaha bini’aadannimo ee ka taagan deegaanka, waxaana kulamadaasi bar bar soconayay howlo gurmad dawo ay hay’adda u fidinaysey dad gaaraya ilaa 1,600 (Kin iyo Lix Boqol) oo ruux kuwaa oo  u badan Haween, Caruur iyo dad waayeel ah oo la liita Xanuuno kala duwan.

Dadka ka faa’ideystay Gurmadkani Dawada ah ayaa qaarkood  ku jira Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala duleedka Baardheere iyo bukaano lagu qaabiley ilaa 6 xarumood oo ku yaalla gudaha degmada Baardheere.

Waxaa dadkaan loo sameeyey adeegyo caafimaad oo ay ka mid yhiin Daweyn guud, daawooyinka lagu nadiifiyo biyaha iyo saabuunta lagu meyrto,

Deeqdani Dawada ah ayey hay’adu maalmo kahor   kusoo gaarsiisey deegaanka Dulimaad diyaaradeed sida uu warbaahinta u sheegay Sarkaalka IOM u qaabilsan Gobolka Gedo.

Sidoo kale Xuseen Cabdulaahi xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere oo la hadlayey Goobjoog News, ayaa Hay’adda IOM uga mahadceliyey kaalmada Dawo ee ay soo gaarsiiyeen deegaanka, waxaana uu ka codsadey hay’adaha samafalka Caalamiga iyo kuwa wadaniga in gargaar bini’aadinnimo oo degdeg ah lasoo gaaraan deegaanka.

Degmada Baardheere ayaa waxaa xilligan ku sugan Boqolaal Qoys oo ku barakacay Abaaro iyo colaado, kuwaasi oo u hanqal taagaya sidii ay gar gaar bini’aadannimo ay  uga heli lahaayeen Hay’adaha Samafalka.

Barakacayaashan oo xeryo ka sameystey duleedka Magaalada ayaa waxay ka kala yimaadeen deegaano ka kala tirsan Gobolada Gedo, Bay iyo Jubnada Dhexe.

Goobjoog News