U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar:- Baaqa Ku Aadan u Gurmashada Soomaalida Yemen Oo Sii Kordhaya

Sheeko:Dalka

Dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan waxaan ku sugan muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo u baahan gurmad degdeg ah oo noloshooda lagu soo badbaadiyo.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordhaya baaqa ku aadan in loo gurmado muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Yemen, waxaana baaqaasi aan u kala harin qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxamuud Maxamed Faarax oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka baaqan jeedinaya, waxaana isaga oo Goobjoog News la hadlay uu ku baaqay in la garab istaago walaalaha Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibban.

“Cid walba oo Soomaaliyeed waajib ayaa ka saaran in ay u gurmato walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibban Yemen, waana in aan la’isku eegan, maxaa yeelay dadkeena meesha wey ku silac sanyihiin” ayuu yiri Maxamuud Maxamed.

Dadaallo la sameeyay waxaa suurta gashay in lasoo badbaadiyo shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku dhaw 10-kun, hase ahaatee waxaa weli Yemen ku go’doonsan muwaadiin kale.

Goobjoog News