U bood dhigaalka

Gurmad iyo Gargaar: Cabdiraxman Ceynte iyo Mas’uuliyiin kale oo Lacago Bixiyay(Akhri Liiska)

Sheeko:Dalka

Waxaa maalintii sadexaad guul ku dhamaaday Barnaamijka “Gurmad iyo Gargaar” ee Goobjoog News, ku dhawaad $15,000 ayey dhageystayaasha Goobjoog News u uruuriyeen Gudiga Badbaadinta iyo Samatabixinta Qaxootiga oo marti ku ahaa Barnaamijka.

Barnaamijkan oo bilowday 10:00 subaxnimo ayey dadweynaha u soo waceen si aan kala go’laheyn, iyagoo lacago, duco iyo hadalo qiiro leh uga qeyb galay barnaamijka.

Waxaa Idaacadda soo wacay Caruur aad u da’a yar, qaar Iskuuley ah, Dhalinyarada Jaamacadaha dhigta, Dhalinyarada kale, waxaa laga soo wacay inta badan gobolada dalka.

Hooyooyinya Soomaaliyeed ayaa lacago badan ugu deeqay Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar, waxaa sidoo kale Istuudiyaha Idaacadda soo booqday gabdho iyo wiilal dhar ugu deeqay gudiga si loo gaarsiiyo Soomaaliya kasoo carareysa Yemen.

Dadweynaha ayaa sidoo kale barnaamijka uga qeyb qaatay SMS-ka 885 iyo Facebook-ga Idaacadda, iyagoo ku yaboohay lacago aad u tiro badan oo laga hor akhriyay gudiga.

“Gurmad iyo gargaar” oo socday ilaa 4:00 galabnimo,  waxaa lasoo xiriiray Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Siyaasiyiin iyo Ganacsato Soomaaliyeed iyagoo ku yaboohay lacago aad u tiro badan.

Liiska Lacagaha Dadka Muhiimka ah:

  1. Madaxa Furdada Xamar:Cali Macalin Maxamed 2000$ ayy bixiyay
  2. Ganacsade qariyay magaciisa ayaa isna bixiyay 2000$
  3. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Cabdiraxman Ceyte ayaa Qaxootiga u yaboohay  3000$.
  4. Maareeye ku xigeenka Dekadda Xamar Axmed Qoorqoor ayaa isna yaboohay  2000$

Dhinaca kale, Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Barnaamijka waxaa ay si aad u amaaneen dadaal Idaacadda ugu jirto kicinta dadweynaha si ay ugu gurmadaan walaalaha ku dhibaateysan Yemen.

Wasiirka  Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga Cabdirixman Yusuf Cali Caynte ayaa sheegay in Goobjoog News ay taariikhda xusi doonto taageerada ay u fidisay qaxootiga Yemen.

Sooyaalka Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar:

Barnaamijka waxaa May 23, 2015-la  uruuriyay 39,130.5 oo Dollar-ka Mareykanka ah

May 18, 2015, Barnaamijka Gurmad iyo Gargaar ayaa Gudiga u uruuriyay in kadan 40,000 oo Dollar.

Goobjoog News ayaa bilowday “Gurmad iyo Gargaar” April 23, 2015