U bood dhigaalka

Guddiga Garsoorka Aqalka Sare Iyo Wasaaradda Cadaaladda Oo Ka Wadahadlay Arrimaha Garsoorka

Sheeko:Dalka

Guddiga Garsoorka arrimaha diinta ee Aqalka sare ayaa kuln la yeeshay wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen waxayna iska xog wareysteen arrimaha shaqada ee wasaaradda.

Guddigan ayaa Aqalka sare u qaabilsan la xisaabtanka iyo kor joogteynta shaqada wasaaradda cadaaladda, waxayna wasiirka wax ka weydiiyeen sida ay u socoto shaqada wasaaradda .

Guddiga iyo wasiirka cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen ayaa is weydaarsaday aragtiyo ku aadan sida lagu horumarin karo hanaanka caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha guddiga garsoorka Aqalka sare Zamzam Ibaraahim Cali ayaa Goobjoog News uga warbixisay waxyaabaha ay ka wada hadleen guddiga iyo wasiirka cadaaladda.

“Waxaan ka wadahadalnay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen guddiga iyo wasaaradda, maadaama wasaaradda cadaaladda ay tahay udub dhexaadka dalka “.

Dhanka kale wasiirka cadaaladda xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in mar kasta ay diyaar u yihiin in ay la wadaagaan guddiga garsoorka Aqalka sare xog walba oo ku saabsan hanaanka cadaaladda.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii aan iskula shaqeyn laheyn in aan kala shaqeyno guddiga  arrimaha sharciga in aan kawada shaqeyno arrimaha la xiriira musuq-maasuqa”.

Goobjoog News