U bood dhigaalka

Guudlaawe Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dhuusamareeb

Sheeko:Amniga

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe.

Madaxweeynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Guud laawe garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb.

Guudlaawe ayaa magaalada dhuusa mareeb kaga qeeyb galaya Shirka wada tashiga madaxda dowladda federalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo ka furmaya saacadaha soo aadan magaaladaas.

Shirka Dhuusamareeb 4 ayaa lagu wada in uu halkaas uga furmo Madaxweeyna Farmaajo iyo madaxda dowlad gobaleedyada , kaas oo looga arin san doono sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iyo tabashooyinka arimaha doorashooyinka .

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sii qul qulaya wafuud kala duwan, iyadoo saacadaha soo socda la filayo in ay gaaraan madaxda kale ee dowlad gobaleedyada dalka.