U bood dhigaalka

Guuleed Iyo Gaas Oo Gaaray Galkacyo

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta magaalada Galkacyo gaaray madaxweynayaasha labada maamul goboleed ee Galmudug iyo Puntland.

Cabdikarim Guleed iyo Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan sidii loo joojin lahaa dagaal-ka bil iyo bar ka socda magaalada Galkacyo iyo goobaha ku dhaw.

Magaalada Galkacyo waxaa lagu wadaa in ay sidoo kale gaaraan madaxda kale oo dowladda federaalka iyo caalamka, si ay marqaati uga noqdaan heshiiska labada dhinac.

Dagaallada Galkacyo waxaa ay bilowdeen October, in ka badan 100 qof ayaa ku dhimatay, dad tiro badan ayaa guryahooda ka qaxay ama cabsi ku jooga.