U bood dhigaalka

Guurka Yaraanta ah  iyo Gudniinka Fircooniga oo Dhimashada Hooyada iyo Dhalaanka Loo Aaneynayo Mandhere.

Sheeko:Dalka

Gudniinka Frcooniga iyo guurka xiliga yaraanta ah ayaa loo aaneynayaa dhibaatooyinka la xiriira dhalmada ee ka jirta deegaanka Mandhera, dhibaatooyinka ay hooyada iyo dhalaanka la kulmaan waxaa ay ka badan yihiin kuwa Soomaaliya iyo dhamaan dunida inteeda kale sidaa waxaa sheegtay hay’adda qaramada Midoobey ee Tirakoobka.

Tirakoobkan waxaa ku cad in haween badan ay dhintaan xilliga dhalmada, tusaale ahaan 100,000-ba waxaa ka dhimata 3,700  oo haween xilliga fooasha.

Guddoomiyaha gobolkaas Cali Roba  ayaa sheegay in maamulkiisa y lacag uga raadinayaan deeq bixiyaasha sidii loo heli lahaa qalab caafimaad oo wanaagsan

Roba waxaa intaa raaciyay in dhiseen ilaa 60 goobo adeeg caafimaad ah si dadka u helaan adeeg caafimaad oo aad ugu dhaw.

Dadka deegaanka waxaa safar dheer u gali jireen si ay u helaan adeeg caafimaad.

Barry Ali oo la dhigay  Mandera Referral Hospital found  ayaa sheegtay in ay cunugeeda dhashay iyadoo aan helin wax caawimaad ah, iyadoo intaa raacisay in ay awoodi weysay in ay Cusbitaalka timaado waqtigii loogu talogalay.