Guux Siyaasadeed oo Ka Dhashay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

sanduuqaDhawaan golaha wasiiradda wwaxa ay ansixiyeen guddiga doorashooyinka qaranka, kan xuduudaha iyo federaalka iyo waliba guddiga adeegga garsoorka.
Balse waxaa ka yimid buuq badan, gaar ahaan kan doorashooyinka , waxaana kasoo horjeedsaday inta badan dowlad goboleedyada sida Jubbaland iyo Puntland iyo waliba xisbiyadda.

Todobaadkani barnaamijka Kulanka Goobjoog oo uu daadijiyo Cabdikariim Cali Kaar oo lagu lafo gurey arrinka guddiga doorashooyinka qaranka ee madaxa banaan ayaa waxaa ka qeybgalay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah guddoomiyaha xisbiga xisbiga caddaalada iyo Sakariye Xaaji Maxamuud oo isna ah guddoomiyaha xisbiga Ummada.

Hadaba inta aanan u galin aragtiyada ay labadani siyaasi ka qabaan guddigani ayaan waxaa ku horeyneynaa magacyada guddiga.

Magacyada guddiga doorashooyinka Qaran
1. Siciid Xaashi Warsame
2. Maxamed Xasan Taani
3. Xuseen Aadan Cali
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
5. Maxamed Axmed Nuur
6. Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir
7. Maxamed Daahir Maxamuud
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
9. Khadiijo Cosoble Cali

Sida aad aragtaan guddiga waxa uu ka koobanyahay 9 xubnood, sida uu sharciga qabana waxa ay ahayd in golaha wasiirada loo gudbiyo 27 qof oo ka mid kuwii shaqooyinkani soo codsaday , balse wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay gudbisey 45 qof.

Waxaa guud ahaan shaqooyinkani codsaday 365 qof oo rag iyo dumar isugu jirey, balse waxaa xulista lagu saleeyey nidaamka 4.5 ee beelaha, taasi oo micnaheedu noqon karo in dad badan oo shaqadani u qalma laga tagay.

Maxamuud Tarsan waxa uu sheegayaa in marka horaba aysan sax ahayn in dad shaqo doon ah loo magacaabo guddi madax banaan “Guddi madaxbanaan laguma xulo qof shaqo soo doontey, qof shaqo raadsanayana ma noqon karo qof madax banaan, adduunka qofka guddi madaxbanaan xubin ka noqonaya waxaa lagu soo xulaa qibradiisa iyo aqoontiisa, qofka isaga oo shaqadiisa iska jooga ayaa la yiraahdaa waxaan rabnaa in aad gudigaasi ka mid noqoto” ayuu yiri Tarsan.

Siyaasiga Sakariye Xaaji Maxamuud waxa uu isaga dood ka qabaa qaabka loo maray soo xulista guddigani, wuxuuna farta ku fiiqayaa in aysan ahayn in xukuumadda ay magacoowdo guddiga Zakariye “In golle wasiiro magacaabaan, wasaarad arrimo guddo ay soo magacoowdo, meel ay ku taalaa ma jirto, waxaa la yiri dowladaha burburey boqolkiiba 99% waxa ay u burburaan waa waxa u qoran oo heshiiska ah ee dowladaasi u qoran oo xeerka la yiraahdo ayay baalmaraan, markaaseey burburaan” .

Tarsan oo la weeydiiyey cidda uu u maleynayo in ay guddiga soo magacoowdo ayaa yiri “Anaga aragtideena qaabka la maray sax ma ahayn, waxayna ahayd in ururada bulshada rayidka ah, xisbiyada, ha noqoto dadka bulshada u istaageyso in ay talo ku yeeshaan, ma ahayn in wasiir ama wasiiru dowle aan lasoo dooran oo lasoo magacaabay ama qabiil ku yimid, in uu yiraahdo anigaa maamulaya”.

Waxyaabaha laga yaabo in aadan ka warheynin ee guddigani ku saabsan waxaa ka mid ah in mudada uu xilka heynayo gudigani ay tahay muddo 6 sano oo aysan marnaba dhacaynin, mushaarkooda waa 7 kun doolar bishii, oo ay u dheertahay gunnada, gaadiidka iyo waliba safarada oo laga bixinayo.

Waxaase ugu yaabka badan awoodaha guddigani la siiyey oo ah meelaha ugu horeeya ee la’isku hayo, waxaa ka mid ah in guddigani uu isaga xaq u leeyahay in uu iclaamiyo waqtiga la qabanayo doorashooyinka, taasi oo micnaheedu noqon karo in muddo sanad ah uu waqtiga ugu dari karo madaxweynaha iyo dowladda.

Waxaa kale oo awoodaha guddigani ka mid ah in uu isaga kaliya xaq u leeyahay in uu maamulo doorashooyinka ka dhacaya dowlad goboleedyada.

Sidoo kale waxa uu guddiga xaq u leeyahay in uu isaga dajiyo shuruudaha dadka u tartamaya madaxweynenimada, taasi oo micnaheedu uu noqon karo in sida ay iyaga doonaan ay shuruudaha ka dhigi karaan.

Marka arrimahani lagu daro eedeynta ah in guddigani qaab qaldan lagu soo xulo ayaa waxa ay siyaasiyiinta iyo dad kala duwan oo aan la hadalnay farta ku fiiqayaan in ay wax u dhimeyso kalsoonida lagu qabi karo guddigani, Maxamuud Tarsan ayaa yiri “Kalsoonidaasi dhawr arrimood ayay leedahay, haddii uu qofka xisbi ku jiro, ama uu siyaasad ku jiro, ama uu dowladdii ku dhex jiro, ama uu dowladdii dad ka tirsan taageerayo, waxaasoo dhan waxa ay dileysaa kalsoonidii uu shacabka ku qabay iyo madaxbanaanida guddiga”.

Dadka caanka ah ee guddigani ku jira waxaa ka mid ah Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo hadda ah guddoomiyaha guddiga farsamada maamul u sameynta gobolada dhexe, dadka qaarkoodna waxa ay sheegayaan in ay ka mid tahay dadka sida aadka madaxweynaha ugu dhow.

Sakariye Xaaji Maxamuud ayaa inkasta oo uusan magacyada sheegin tibaaxay in 4 ka mid ah xubnaha guddiga ay u dhowyihiin cidda soo magacoowdey ama talada dalka heysa.

Guddigani waxa uu mari doonaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo isagu ansixin doona ama diidi doona, waxayna siyaasiyiinta iyo dadka guddigani dhaliilsan ku baaqayaan in baarlamaanka uu su’aalo weeydiiyo xubnaha guddiga, haddii ay shaqada u qalmaana uu ansixiyo, haddii kalana dib loo celiyo, dariiqii saxda ahaana la maro.

Goobjoog News