U bood dhigaalka

Hadal-heynta Facebook iyo Twetter kadib Is Casilaaddii Sapp Blater

Waxyar kadib markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha FIFA in uu iska casilayo hogaanka FIFA, waxaa ay dadka isticmaala Facebook iyo Twetter-ka soo dhigeen Khudabadiisa, Qoraalka iyo Sawiradiisa, iyo qoraalo kale ama Mucaarid iyo Muxaafid isugu jiray.

Qoraaladda waxaa ka muuqatay Yaab, Farxad, Xanaaq iyo fikarado la yaab leh, taas oo ka dhigtay Facebook iyo Tweter labada bar ee aan laga seexan xalay.

Dadka qaar waxaa soo qoreen in ninkan uu ahaa nin Musuq badan oo ay tilaabadan uu lasoo daahayey, isla markaana ay soo dhaweynayaan, iyagoo soo bandhigay Madaxdii soo dhaweysay is casilaadiisa.

Qoraalada qaar waxaa ka muuqatay in ay doonayaan FIFA cusub iyo Musuqa laga tirtiro hay’addan Caalamiga ee madaxdeedii hadda u xiran yihiin Muqsuq dartii.

Dhinaca kale, Dadka qaar waxaa ay soo qoreen in Mecheal palatine oo hadda hogaamiya Xiriirka kubadda Cagta Yurub oo isa soo sharixi doono, taas oo ay ku tilmaameen Dameer iyo Labadiisa dhegood.

Qoraaladda qaar waxaa ay ka dalbadeen Blater in uu raaligalin bixiyo, isla markaana intii afkiisa xirto gurigiisa si aayar ah u seexdo.

Sepp Blatter ayaa sheegay in uu iskaga tagayo xafiiska FIFA kadib markii musuq lagu helay mas’uuliyiinta ugu sareysa FIFA.

Sepp Blatter waxaa uu intaa ku daray in doorashooyin degdeg ah la qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan si loo doorto ninkii isaga badali lahaa.

FIFA waxaa hareeyay Mowjado Musuq ah, 7 ka mid ah saraakiisha ayaa Musuq loo xiray May 27, 2015

Sepp Blatter ayaa todobaadkii hore markii 5-naad loo doortay jagada Madaxweynaha FIFA, waxaa uuna xilkaas hayey 17 sano.