Hadal Jeedintii “Xaliimo Yarey” Marmarsiiyo Ma Looga Dhigan Karaa Muddo Kordhin Dadban… 5 Xaqiiqo Oo Muhiim Ah oo Ay Ka Dhawaajisay

Maalinnimadii Sabtida, waxaa xubnaha Golaha Shacabka hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ‘Xaliimo Yarey’. Xubanaha Baarlamaanka ay mudadiisu gabagabada sii tahay waxay ka horjeedisay khudab la wada sugayay oo ay uga hadashay masiirka doorashooyinka dalka. Guddoomiyaha waxaa laga sugayay iney kala caddeyso in doorasho dalka ka dhici karto iyo in kale, si rasmi ah ayey ugu dhawaaqday iney dalkan doorasho ka dhici Karin waqtigii xukuumadda loo igmaday, isla markaana loo baahan yahay muddo korosi, waa hadal qof walba oo si caqli ah u fakarayaa uu sugayay la iskana ogaa inaan doorasho dalkan ka qabsoomi Karin.

Ma doonayo inaan ka hadlo dhinaca taban ee khudbadda iyo xaglinta ka muuqatay khudbadda guddoomiyaha oo u ekeyd mid dhanka madaxtooyada laga soo xarxariiqay. Waxaan isku dayi doonaa inaan xoogga saaro xaqiiqooyinkii ay miiska soo saartay ee lagama dhaafaanka ahaa una baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.

  1. Xaqiiqada koowaad: Dalkana Doorasho kama dhici karto Waqtigii loogu talogalay

Waxaan ka hor caddeynaynaa Baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed in doorashada ku dhacaysa habka biometric ka ah aysan suurtogal ahayn inay ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay ee ahaa Nov 27, 2020.”, ayay tiri Goddoomiye Xaliimo.

Xukuumadda hadda jirta waxyaabihii loo igmaday waxaa ka mid ahaa iney dalkan doorasho qof iyo cod ah gaarsiiyaan oo muddo xileedka ay haystaan ay howshaa ku qabtaan wey ku fashilantay, doorashadii bilooyin kooban ayaa ka harsan. Sida uu darsuurtu qorayaana waa in dalkan ay doorasho ka dhacdo afartii sannaba mar. Mar haddii 4 sano ay ku guul darreysteen iney dalka doorasho ku gaarsiiyaan, hadana lagama sugayo in sannad iyo bilooyin kooban ay howshaa ku qabtaan.

  1. Xaqiiqada labaad: Caqabadaha amni oo aan weli xal loo hayn

Xaliimo yarey mar ay ka hadleysa caqabadaha guddiga haysta ee ay Soomaalidu sababta u tahay waxay soo hadal qaadday ammaanka oo aan weli sugneyn: “Daahidda shuruucda doorashada waxaa weheliyay caqabado soo waajahay guddiga oo kala ah kuwa Soomaalidu isku dhex abuurtay iyo kuwa dabiici ah; sida, ismaandhaafka siyaasaddeed, nabad galyo la’aanta, fatahaadaha iyo dhibaatada caafimaad darro eek a dhalatay cudurka safmarka ah ee COVID 19”, Ayey tiri guddoomiyaha.

Hadaba, waqti kasta oo hadda kadib la isla garto iney doorasho ku qabsoonto, waxaa is weydiin leh yaa ammaankii damaanad qaadaya.

Magaalada Muqdisho oo ay ka howlgalaan 7,000-10,000 oo militari ah, 6,000-9,000 oo booliis ah, 4,000 oo NISA ah iyo 3,500 oo asluub ah. Ayaa ammaankeeda laga dayrinayaa. Gobollada dalka imisa ciidan ayay u baahan yihiin si ay doorasho uga dhacdo.

  1. Xaqiiqada labaad: Khilaafka siyaasadeed

Guddoomiye Xaliimo waxay soo hadal qaadday in khilaafka siyaasadda uu weli jiro oo caqabad uu ku yahay arrimaha doorashooyinka.

Juun 9, 2020 ayaa warbixin ay soo saartay safaaradda Mareykanka waxaa Villa Somaliya laga dalbaday iney hor fariistaan maamul goboleedyada, hadalkaa safaaradda kasoo baxay waxaa ka mid ahaa: “ Waxaa baahi weyn loo qabaa ka qeybgalka iyo iskaashiga dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah si loo xalliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed, waxna looga qabto deyn cafinta iyo ka jawaabista Covid 19”.

Xukuumadda hadda jirta waxaanay is arki karin maamul goboleedyo miisaan leh oo intii ay jirtayba uu khilaafkoodu soo jiitamayay, hadda oo waqtigeedii dhammaaday siday ku suurtagaleysaa iney wada shaqeyn dhex marto.

  1. Xaqiiqada Afaraad: Miisaaniyad lixaad leh ayey u baahan tahay doorasho kasta oo dalka ka dhacda.

Sida ay guddoomiyuhu khudbaddeeda ku sheegtay miisaaniyad lixaad leh ayaa guddigu u baahan yahay si ay doorasho u qabtaan.

 Halkan su’aalo badan ayaa u baahan in laga jawaabo, lacagta doorashada halkee laga keenayaa, dowladdu awood ma u leedahay iney bixiso lacagata doorashada iyadoo aan oganahay in miisaaniyadda dowladda ay is dhintay sababo la xiriira COVID 19 heer gaarsiisan 40%, waa sida uu saadaaliyay Wasriir “Bayle” hadal jeedin uu sameeyay 14 April 2020.

  1. Xaqiiqada Shanaad: Yaa go’aan ka gaaraya muddo kordhinta doorashada, ma baarlamaanka ay mudadiisu sii dhammaaneysaaa mise heshiis siyaasdeed ayaa loo baahan yahay ay iskugu yimaaddaan saamileyda siyaasadda.

Guddoomiyaha guddiga doorashadu waxay ku dhawaqday iney u waqti dheeri ah u baahan yihiin si ay doorasho dalkan uga qabato. Muddo xileedka guddigu waa kooban yahay, sidaas oo kale muda xileelka baarlaanka iyo sharciyaddiisa bilooyin kooban ayaa ka harsan, si kastaba ma hurayso in saamileyda siyaasadda ay isku yimaaddan oo ay go’aan ka gaaraan.

Si kastaba, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa banaan ee Xaliimo yarey waxay ku dhawaaqday xaqiiqada ah inaan dalkan doorasho ka dhaceyn waqtigeedii iyo muda xileedka xukuumadda hadda jirta isla markaana loo bahaan yahay muddo kordhin. Xaqiiqadu waa in xukuumadda hadda jirtaa ay ku fashilantay waajibaadkii Qaran ee loo igmaday doorashadana aan lagu aamini Karin.

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Golaha Shacabka la hadlayay 21 Juun, 2020, ayaa  yiri; “Waxaan doonayaa inaad awooddiina ogaataan (Baarlamaanka), nimanka keeni waayay sharci dhammeystiran, nimankan dalka aminigiisii keeni waayay, nimanka dastuurka dhammeystiri kari waayay, nimanka dalka maamuli kari waayay, nimanka la heshiin kari waayay maamul goboleedyadii, iyakaa dambiga leh iyagaana la bedelayaan.”

W/Q: Khadar Xuseen Maxamed.

Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale.

Related Articles

18 Comments

  1. My partner and I stumbled over here coming from a different web page and thought I might
    check things out. I like what I see so now i am following you.
    Look forward to going over your web page for a second time.

    Check out my blog: dropbox.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW