U bood dhigaalka

Hague: Dhageysiga Dacwada Badda oo Galeysa Maalinta 2-aad, Shalay Maxaa Dhacay?

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lagu wadaa in maalintii 2-aad la guda galo dhageysiga dacwadda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwada oo furantay isniintii, lana dhageystay dhanka Soomaaliya waxaa goobta ka hadlay ra’isul wasaare ku xigeenka iyo qareennada matalayey Soomaaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa ka sheekeeyey taariikhda ay labada dhinac isla soo mareen, isaga oo nasiib darro ku tilmaamay in Kenya ay ka baxdo dacwada, waxaana uuna intaa raaciyey in inta aan maxakamadda la tagin lagu dayey wada hadal balse taasina lagu guuldareystay.

Dhanka kale, qareennada u doodayey Soomaaliya ayaa sheegay in Kenya ay qaadatay dhul aaney laheyn, iyaga oo maxkamadda hor dhigayey kiisa Afrika, Asia, Latin America ama xataa Mareykanka iyo Canada oo arrimahan la xiriira.

Qareennada u dooday Soomaaliya waxaa ay hoosta ka xariiqeen in MOU-ga aanu heshiis rasmi aheyn isla markaana Kenya la siiyey waqti lagu wada hadlo iyaga oo kiiska iyo doodda ay Nairobi wadato ugu yeeray mid ay ka muuqato rajo la’aan.

Goobjoog News