U bood dhigaalka

Haiti: Xildhibaan Hore Oo Loo Haysto Dilka Madaxweynihiisi

Sheeko:Amniga

Waaxda cadaaladda Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogtay sentor hore oo ka tirsanaa baarlamaanka dalka Haiti, kaas oo lagu eedeyay in uu ku lug lahaa dil bishii july ee sanadkii hore loo gaystay madaxweynihii dalka haiti Jovenel Moise.

Dilka oo ka dhacay hooyga madaxweynaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen koox loo qorsheeyay in ay soo afduubtaan madaxweynaha balse markii dambe toogtay madaxweyne Moise.

Laammaha ammaanka dalka Haiti ayaa dilka madaxweynaha kadib waxa ay senator hore John Joel Joseph ku eedeeyeen in uu qayb ka ahaa dilka madaxweynaha dalka loo gaystay.

Joseph ayaa dalka Haiti doon kaga soo baxsaday, isagoo tagay dalka Jamaica, halkaas oo markii dambe ciidamada Jamaica ay ku xireen, iyagoo sheegay in dalkooda uu sharci darro ku soo galay waxa ayna gacanta u geliyeen maraykanka.

Waaxda cadaaladda Maraykanka ayaa John Joel Joseph sheegtay in uu qayb ka ahaa kooxda afduubka madaxweynaha qorsheysay, balse madaxweynaha markii dambe dil u gaystay markii ay waayeen diyaarad ay kaga soo baxsadaan dalka Haiti.

Joseph ayaa hadda waxaa dul hoganaya eedeymo la xiriira ka qayb galka koox shan qof ka kooban oo gudaha u gashay guriga madaxweynaha markii la dilayay.

Goobjoog News