U bood dhigaalka

Hakad Ku Yimid Dhismaha Isbitaal Laga Hirgelinayey Deegaanka Docolley Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dhimsha isbitaalka deegaanka Docolley ee gobolka Galgaduud, qiyaas ahaanna dhanka bari Cadaado kaga beegan 45 KM ayaa waxaa ku yimid hakad iyadoo Labadii Bilood ee lasoo dhaafay ay dhismaha Isbitaalkan ku howlanaayeen shacabka oo kaashanayey Qurbo-joog.

C/raxmaan Macallin Maxamed oo ka mid ah guddiga ku howlan dhismaha Isbitaalkan ayaa u sheegay warbaahinta in hakadka ku yimid Isbitaalkan ay sabab u tahay kadib markii uu qarashka ka go’ay.

Waxa uu sheegay in Isbitaalka Shamiinto (Sibir) ay ka dhiman tahay, darbiyada qaar oo weli la dhisin iyo wax walbo oo Isbitaalka looga baahan yahay.

“Isbitaalka waxa uu u baahan yahay kaliya in la dhameystiro annaga lacagtii ayaa naga go’day, waxaan u mahadcelinaynaa walaalaha qarashkooda geliyey isbitaalkan dhismahiisa, kuwa kalena waxaan leenahay waa markiina oo dhameystira, waxa naga dhiman hadda waa wax yar oao meel dheer ayaan ka keennay, shacab ahaan ayaan wax ku qabsaneynay” yuu yiri C/raxmaan.

Deegaankan loo dhisayo Isbitaalka kuma yaallo wax isbitaal ah, waxaana qofka bukaanka ah loo qaadaa degmada Cadaado.

Goobjoog News