U bood dhigaalka

Hakad saaka ku yimid isu socodka gaadiidka Jowhar

Sheeko:Dalka

Isu socodka gaadiidka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka SHabeellaha dhexe ayaa saaka hakad ku jira kadib hawl gallo ciidamada mamulkaasi ay ka fulinayaan xaafadaha magaalada Jowhar.

Waxaa ka qayb qaadanaya hawl galladan ciidamada nabad sugida gobolkaasi kuwaas oo diiday in gaadiidka wadooyonka ay isticmalaan. Ma jirto cid la soo sheegay in lagu xiray howlgalkan.

Maamulka gobolka SHabeellaha dhexe ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah o ku saabsan howl gallada ay wadaan magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar waxaa imika ku sugan ciidamo boolis ah oo dhowaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay u dirtay halkaas.

Wixii war ah ee ku soo kordha warkan kala soco Goobjoog FM.