U bood dhigaalka

Halis Ka Dhallan Karta Qashinka Isbitaallada Ee Lagu Shubo Goobaha Bulshadu Ku Badan Tahay

Sheeko:Dalka

Qashinka laga soo saaro xarumaha cafimaadka oo aan si wanaagsan looga taxadarin in meelaha bananka lagu daadiyo ayaa waxa ka dhalan kara cudura halis ah gaar ahaan cudurada faafa sida ay shegayaan dhaqatiirta cafimaadka.

Waxyabaha ay ka mid yihiin  cirbadaha Durriinka loo adeegsado kuwaasi oo lagu daadiyo meel aan munaasab ahayn oo bulshad dhaxdeeda ah ayaa qatar badan u keeni karta dadka sida uu shegayo Dr Cabdirisaq Xasan Cali oo ah madaxa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir.

”Majirto cid si gaar ah uga taxaddarta qashinka Isbitaallada sidaan la soconno waxaa lagu daadiyay meelaha banaanka ah taasi oo horseedi karta inay ka dhshaaan cudurrada  faafa oo dhibatada ugu weyn dadka heesta ah waana suurta gal inay ka dhshaan dhibaatooyin aysan shacabka xamili karin” ayuu yiri Dr C/risaaq.

Dr C/risaaq Xasan Cali madaxa Isbitaalka Hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir ayaa sidoo kale ka hadlaya halka iyagu geeyaan waxyabaha la isticmaalay oo ay ugu horreyaan cirbadaha la’isticmaalay iyo xubnaha jirka laga jaray sida Burooyinka ama wax la mid ah.

”Waxyabaha xubnaha jirkooda sida burooyinka waxa loo aasa sida dadka loo aaso, inta badan dadka ayaa aasta laakiin qashinka kale Isbitaalka waxaan ku ridnaa meello gooni ah si loo gubo”

Dhinaca kale Cabdiqani Sheekh Cumar waa agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya, waxaynu wax ka su’aalnay waxa ay kala socdaan halka la geeyo qashinka laga soo qaado xarumaha caafimaadka ee dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in kormeeraan Isbitaalada si loo yareeyo qataraha ka dhallan kara qashinka ay tuurayaan ayna tababarro wacyi gelin ah siiyaan shaqaalaha ka howlgala Isbitaaladda.

“Wasaaradda Cafimaadka waxaa xil ka saaran bad badinta bulshada iyo dadka imaanaya Isbitaallada waxaan marwalba kala hadalnaa xarumaha caafimaadka inay isticmaalaan agabka qashinka lagu gubo inkastoo aysan awood badan u lahayn Isbitaallada intooda badan balse waxaan rajeynayaa in lagu dadaallo sidii loo yareyn lahaa qataraha ka dhasha qashinka tawabar jogta ahna waan sinnaa” ayuu yiri agaasimaha

Magaalada Muqdisho waxa ku yaalla xarumo badan oo caafimaad ah kuwaasi oo aan  jirin cid si joogta ah ula xisabtanta.

Dr, Yaxye Cabduqaadir Shoole oo ah madaxa xarunta caafimaadka Atlas ayaa shegaya in ay dawladda ay xoogga saartay kaliya Isbitaallada ay maamusho.

Waxa uu tilmaamay in aysan jirin kormeer ay ku sameysayo xarumaha caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay iyo sidoo kale ay siiso shaqaalaha ka howlgalada xarumahaasi tababarro aqoontooda sare loogu qaadayo.

”Runtii wasaaradda caafimaadka dadaallo badan way sameeneysaa laakiin waxaa inoo muuqaneysa in Isbitaallada gaarka loo leeyahay aysan xil iska saarin kaliyana ay xoogga saartay Isbitaallada ay maamusho dawlada sida Banaadir, Madiina Dayniile, Keysaney  waxa ka dalbaneynaa wasaaradda inay il gaar ah ku hayso Isbitaallada yar yar oo qashinka ay dadiyaan dhib badan uu ka dhallan karo ”

Agaasimaha guud ee wasaradda caafimaadka xukumada Soomaliya Cabdiqani Sheeq Cumar ayaa u sheegay Goobjoog News in aysan wasaraddu kaliya aysan wax ka qaban karin Isbitaallada yar yare ee degmooyinka kuyala laakiin ay u bahantahay in la iska kashado.

”Waxaan doneynaa in ay nala garab galaan maamullada degmooyinka si wasaaradda cafimaadka ay awood ugu yeelato inay xakemeyso Isbitaallada xafadaha ku yalla ee wasaaradda ka war haynin”

Iyadoo nadafad xumada deegaanka ay ka dhalaneyso cudurro badan ayaa hadana si gaar ah qashinka Isbitaallada ay geysan karaan sameyn badan oo dhibaato u keena dadka iyo xitaa xolaha ku nool deeganka sidaa  waxa yiri Dr yaxye Cabduqaadir Shoole.

Ugu dabeen agaasimaha C isbitalka hoyada iyo dhalaanka Banaadir Dr Cabdirisaaq Xasan Cali  ayaa Dawladda Soomaaliya kula taliyay in waajibkeeda ay kasoo baxdo islamarkaana ay ka hortagto halista cafimaad darro ee wadanka ay u keeni karaan arrimahan .

W/D: C/wahaab Maxamed Ibraahim

Goobjoog News