U bood dhigaalka

Halkan ka Akhriso Hadaljeedinta Trump Ee La Xariirta Dilka Al-Baqdaadi.

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Mareykanka Donal Tramp ayaa ka hadlay dil uu sheegay in ay u geeysteen hoggaamiyihii ugu sarreeyay ee ISIS.

Trump ayaa hadalkiisu ahaa ;

“Xalay dowladda Mareykanku waxay caddaaladda hor keentay hoggaahimihii argagixisada adduunka Abuubkar Albaqdadi waa dhintay.

Wuxuu ahaa ninkii aasaasay hoggaankana u ahaa ISIS. Ururka argagixiso ee ugu naxariista daran uguna dhibaatada badan dunida oo dhan. Dowladda Mareykanku waxay baadigoobeysay Baqdaadi sannado badan.

In la qabto ama la dilo baqdaadi waxay ahayd ahmiyadda qaranka tan ugu sarreysa ee maamulkeyga. Ciidamada hawlgallada gaarka ah ee Mareykanka ayaa fuliyey hawlgal qatar ah, geesinnimo leh xilli habeen ah woqooyi-galbeed ee Siiriya waana ku guuleysteen hawlgalkooda.

Ciidamada mareykanku waxay ahaayeen kuwo aad u tababaran oo aad u taxaddaray, ma jiro askari ku geeriyooday hawlgalka, halka dagaalyahanno badan oo la socday baqdaadi lala dilay. Wuxuu dhintay kaddib markii markii uu waayey si uu ku baxsado. Dhismihii ay ku jireen hadda ciidamada ayaa gacanta ku haya waxayna noqdeen kuwo isdhiiba ama la toogtay oo la dilay.

11 carruur ah ayaa laga soosaaray guriga waana kuwo aan wax dhaawaca ah qabin. Qofka kaliya ee haray waa baqdaadi oo ku jiray god wuxuuna kusii jiiday 3 ka mid ah carruurtiisa wuxuuna ku qasbay inay la dhintaan, wuxuu gaaray halka ugu dambeysa tubbada iyadoo eeyaheennu eryadeen, wuxuu xirtay jaakaddiisa qaraxa isagoo isdilay iyo saddex carruurtiisa ah. Jirkiisa waxaa jarjaray qaraxa waxaana ku dumay godka laakiin tijaabooyin laga qaaday jirkiisa ayaa caddeynaya inuu isaga yahay.

Burcadkaas isku-dayey inuu cabsi geliyo dadka wuxuu ku dhammeystay waqtigiisa ugu dambeeyey cabsi iyo argagax oo ay badeen ciidamada mareykanku. Waxaan dhismaha ku sugneyn qiyaastii 2 saacadood kaddibna markii lagu guuleystay hawlgalka waxaan goobta ka qaadannay qalab aad casri u ah iyo xogo quseeya asalka ISIS iyo qorsheyaasha mustaqbalka.

Geerida baqdaadi waxay muujineysaa dabagalka aan kala go’a lahayn ee mareykanku ku bixiyo hoggaamiyaasha argagixisada iyo mas’uuliyadda naga saaran u adkeysiga sidii aan gebi ahaanba u baab’in lahayn ISIS iyo ururrada kale ee argagixisada ah.

Hadafkeennu waa mid aad u fog. Sida aad ogtihiin bishii hore waxaan ku dhawaaqnay inaan dilay dhawaan Hamza Bin-Ladin, wiilkii ugu dhibka badanaa ee Osama Bin-Ladin kaasoo waxyaabo aad u xun dadka ku sheegi jiray, dalkeenna iyo adduunka. Wuxuu qeyb ka ahaa Al-Qaadidda, Argagaxiye, Cabburiye iyo dila dadka aan waxba galabsan, uma seexan doono si nabad ah isagoo og inaan dhammaantood ciribtiri doonno. Bahalladaan aadka u xun nagama baxsan doonaan kamana baxsan doonaan maxkamadda Alle.

Baqdaadi muddo dheer ayuu baxsad ahaa, waqti dheer oo ka horreysay intii aanan xafiiska la wareegin. Laakiin amarkeyga ka taliyaha ciidanka mareykanka ahaan waxaan tirtirnay qaliifadiisa boqolkiiba boqol bishii Maarso sannadkan.

Dhacdada maanta waa mid kale oo na xasuusineysaa inaan sii wadno dabagalka argagixisada hartay ee ISIS illaa aan soo afjarno. Waxaa sidoo kale jidkaas maraya ururrada kale ee argagixisada ah.

Baqdaadi iyo kuwa fashilmay ee la shaqeeya oo aan war ka hayn qatarta ay ku jiraan oo mararka qaarna ah kuwo aad u foolxun oo cabsanaya dadkana dila laakiin waxay dileen dad aad u badan, waxay dileen muwaaddiniin mareykan ah oo aan waxba galabsan, james folen, Istiifan Saglof, Bitar Kaasig, iyo Kele Muler oo ahaa dilal aad u foolxun. Dilkii la baahiyey ee duuliyihii Jordan.

Wiil aad u cajiib ah ayaa la hadlay boqorka jirdan wey ogaayeen dhammaan weyna jeclaayeen in nolosha lagu gubo isagoo xero yar ku jira, daldalladii Libiya ee kirishtaanka loo geystay ejebti iyo sidoo kale iyo dilwadareedkii yisiidiyiinta. ISIS waxay noqonayaan kuwa laga ciribtiro taariiqda adduunka.

Waxay gesteen dilal badan oo dunida oo dhan laga daawaday waana dhaqankii iyo rabitaankii Abuubakar Al-baqdaadi. Waa wax uu ku faanayey wuxuu ahaa nin aad u xun oo xanuunsan laakiin hadda waa na dhaafay.

Baqdaadi wuxuu ahaa xaasid dhib badan wuxuuna u dhintay sidaas si la mid ah isagoo fuley ah, cararaya oo oynaya. Weerarkan wuxuu ahaa mid aad looga shaqeeyey wuxuuna dhici karay oo kaliya markii wadashaqeyn laga helay dalalka qaar iyo dad.

Goobjoog News