U bood dhigaalka

Halkee Ayuu Marayaa Howlgalkii Ay Ciidanka DFS Iyo Kuwa AMISOM Ka Wadeen Hiiraan?

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowloadda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Todobaad kahor waxa ay howlgallo ka bilaabeen wadada isku xirta B/weyne iyo Buul—burde iyaga oo dagaallo kala kulmay Al-shabaab.

Ciidamadii ka baxay B/weyne ayaa gaaray degmada Buulo-burde, waxaana weli ay sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo kale oo ay ku doonayaan iney ku tagaan deegaanno kale.

Korneel Faarax Cali Waasuge, Taliyaha guutadada Shanaad qeybteeda 27-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa isaga oo la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in khasaare badan ay soo gaarsiiyeen Al-shabaab.

Taliyaha ayaa dhanka kale ugu baaqay dhallinyarada ka midka ah Al-shabaab iney isaga soo baxaan ururkaasi oo ay isku soo dhiibaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News