U bood dhigaalka

Hannaan Ceynkee Ah Ayaa Ku Habboon In Ay Soomaaliya Kula Tacaasho Cudurkaan?

Sheeko:Dalka

Dhammaadkii 2019 waxaa dunida ka dillaacay cudur aan illaa hadda la helin dawadiisa, Soomaaliya wuxuu soo gaaray viruska bishii March 2020, Dowladduna waxay sheegtay in qofkii koowaad u dhintay cudurka covid19 April 08, 2020, intaa waxaa dheer in uu haleelay qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee wasaaradda caafimaadka.

Ma ihi xeel-dheere caafimaad ama dhaqar mana jecli inaan ka hadlo wax aanan cilmigeeda lahayn waxaanse ka baaqsan waayey inaan wax ka dhaho xakameynta cudurka coronavirus.

Dowladaha dunida waa ku kala duwan yihiin siyaasadda maareynta cudurkaan waxaana ugu waaweyn laba qeyb:-

  1. Ka sifeynta cudurka dalka:- waxayna kula tacaaleen tallaabooyin kala duwan sida in Bandow lagu soo rogo dalka , in dadka loo baaro qof-qof, waxaana intaas baal socota in dowladdu ganacsiyada hakadka galay, iyo dadka shaqooyinkoodii ka fariistay ay siiso kabis dhaqaale .
  2. Is-baridda Dadka iyo Cudurka: tani waa hannaan dadka u oggolaanaya inay noloshooda caadiga ahayd wataan , iyada oo Dowladduna bixineyso adeegyo caafimaad , iyo wacyi-gelin dadweyne.

Soomaaliya waxay qaadatay hannaan u eg sifeynta aanse tabar loo heyn mana ahan mid ku habboon Soomaaliya ama taageeraya duruufaha labo sabab aawadeed:- Dhaqan iyo Dhaqaale

  • Dhaqan ahaan Soomaalidu waa dad furfuran oo inta badan u nugul in cudurkaan ku fido iyadoo ay sahlayaan saddex qodob:-
  • Dhanka isasaamaxa salaanta ama hab isasiinta ee dadka soomaaliyeed
  • Dhaqan xishood oo bulshada Soomaaliyeed u leedahay ineysan qiran cudur dadku u arkaan halis taasoo keenta in qof bukaan ah uu dadka ku dhex nagaado sidaana cudurku ku faafo..
  • Dhaqanka xiriirka qoysaa oo keenay in dadka Soomaaliyeed ay dhoobtaan goobaha caafimaadka marka uu xanuunsado qof qaraabo ah ama ehel ah.
  • Dhaqaale ahaan hannaanka xakameynta saameyn taban ayuu ku yeeshay dhaqaalaha dalka iyo dadkaba. Tusaale markii la xaqiijiyay in cudurku soo gaaray dalka, dowladda Soomaaliya waxay qaadday tillaabooyin ay u aragtay in lagu xakameyn karo faafidda cudurka, sida; in la xaddiday duulimaadyada dibadda iyo gudaha, , goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha Dowladda oo la fasaxay

Dalka dhaqaale ahaan waa hanti-goosad oo inta badan shaqa abuurka waxaa sameeya shirkadaha gaarka loo leeyahay, dakhliga dadkuna wuxuu ku tiirsan yahay shaqo-maalmeedkooda, dowladduna ma kabto dhaqaalaha shirkadaha goonida loo leeyahay.

Qurbojoogii soo dir jirtay wax kabadan 1 billion sanadkii oo aan soo diri Karin Waxaa saameyn xooggan ku yeeshay dakhliga dadka xayiraadda duulimaadyada oo dad badan ay ku tiirsanaayeen, waxaana hakad galay dhoofka iyo soodejinta ganacsiga.

Go’aanka ay dowladdu fasaxa ku gelisay waxbarashada, wuxuu taabtay nolosha dad ku tiirsan waxbarista, sida macallimiinta dugsiyada iyo Jaamacadaha.

Haddaba marka la eego xaaladda dhaqaale, dhaqan iyo tabarta dowladda waxaa ila  habboon in aan lagu degdegin bandow iyo xayiraad shaqo ayna Soomaaliya qaadato siyaasadda qaabbilaadda furan ee la falgalka cudurka oo lala noolaado cudurkaan ama uu saf mar noogu dhaco kaddibna aan bogsanno isaga oo aan dhaqaale burbur nagu ridin.

Maxay Soomaaliya ugu nugushahay xanuunka COVID-19 

Waxaa bud dhig u ah dooddaan saddex qodob:- Qaab dhismeed bulsho Soomaaliyeed, tabarta dhaqaale, iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaaliyeed

Hubaal in viruska Covid19 yahay dilaa aan tallaal lahayn fursaddiisuna tahay ka hortag iyo la qabsi, bulshada Soomaaliyeed badanaa waa da’ dhexaad, xigashada dhaqaatiirta iyada oo aan dammaanad qaadeyn badbaado nafeed waxay sheegtay in qofka leh difaac jidh uu ka bogsan karo virus,ka adkeysina ay u leeyihiin viruskan da’ dhexaadka caafimaadka qaba. Sida dhaqtar Gabboose sheegay waa in waayeelka la geeyo miyiga oo magaalooyinka dadku u badan yihiin laga saaro ayna helaan nafaqo ku filan.

Soomaaliya waa dal tabartiisa dhaqaale liidato ayna dadku ku tiirsan yihiin shaqo maalmeedka mana jirto muddo cayiman oo la sheegay in lagu helay tallaalka cudurkan, waxayse qaadaneysaa ugu yaraan 18 bilood sida quburada caafimaadka sheegeen, haddaba xayiraadda dhaqaale ee saaran dalka ma u adkeysan karo muddadaa, waxaana imaanaya sicir barar, daqliga dowladda oo yaraada, macluul iyo cunto yari.

Wasaaradda caafimaadka ma laha tamar ay ku baarto dhammaan dadka oo dhan, mana lahan goobo takoor oo dadka qaada, mana lahan miisaaniyad dhaqaale oo lagu maareeyo marka la eego qoondada miisaaniyadda ee 2020, mana jirin qorshe maaliyadeed oo golaha baarlamaanka u ansixiyay oo xukuumaddu soo gudbisay kaddib markuu dillaacay cudurkaan. Intaa waxaa dheer in wasaaradda caafimaadka uu ka jiro qalalaase maamul.  Waxaase habboon inay wixii tabar dhaqaale ah oo ay hayso isugu geyso sidii ay u awoodi lahayd qaabbilaadda dadka bukaan jiifka ah ee cudurkaan soo haleelayo.

Intaa waxaa dheer in hey’adda caafimaadka aduunka ee qaramada midoobay WHO sheegtay in 100,000 qof ee Soomaaliya jooga uu kusoo aadayo 1 dhaqtar. (2016 report). 

Waxaa kale oo ay intaa WHO ku dartay in awoodda difaaca ama ka hortagga musiibo ee Soomaaliya ay tahay 6%.  taasina waxay marqaati ka tahay ineysan dowladda Soomaaliya maareyn karin cudurkaan.

Hababka Nolosha dadka Soomaaliyeed waa mid u sahlan isku gudbinta cudurkaan ma qorsheysna deegaanku, dadku cuntada ayey wada cunaan, booqashada goobaha caafimaadka waa xad dhaaf, iska war-haynta ehelka waa is arag kaba sii daran haddii qof ka mid ah ehelka jirrado ama cudurku haleelo, intaa waxaa dheer ku dhex faafka mab’da qaldan ay ka aaminsan yihiin cudurrada iyo qaddarta Alle.

Gunaanad.

Cudurka covid-19 waa virus saf mar ah kuna dhacay dadyowga dunida ku nool guud ahaan, walina la ma hayo dawo lagu dabiibo, isagoo saameyn nololeed oo taban ku yeeshay dhammaan saddexda heer ee dunidu dhaqaale ahaan ka kooban tahay.

Haddaba Waxaa La Gudboon Wasaaradda Caafimaadka Iyo xukuumadda Guud Ahaan Inay qaadaan dhawr tillaabo.

  • Kulan degdeg ah oo xirfadleyaasha caafimaadka lagu talo weydiinayo.
  • Xoojinta wacyi-gelinta dadweynaha
  • Cilmi-baaris ku saabsan saameynta dhaqaale ee cudurka ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed.
  • Qaban qaabinta qorshe kaabis daqli loogu sameynayo shirkadaha gaarka loo leeyahay.
  • Dajinta qorshe ka hortag macluul iyo cunno yari ka dillaacda dalka.
  • In qoys walba oo Soomaaliyeed u tashado badbaadinta waayeelkiisa sida in dhulka miyiga fog loo diro. Ama hadii ay awooddaan ay u qoondeeyaan guri gooni ah.
  • In dhaqaatiirta Soomaaliyeed ku wacyi geliyaan dadka qaabdhismeedka difaaca jidhka.

W/Q: Xasan Maxamuud “Sinney”.

Goobjoog News